Dhambaalka Xarunta Beder Waxaan shaki ku jirin in Alaah (subxaanahu watacaalaa) uu weyneeyey arinta cilmiga, Banii'aadamkana kaga fadilay makhluuqaadka kale cilmiga uu barey, cilmiguna guud ahaan isagoo fadligu ka dhexeeyo hadana cilmiga diinta iyo fahamkeeda dhabta ah ayaanu jirin wax loo dhigaa, maadaama oo uu cilmi ahaan ka sokow yahay ka qofka banii'aadamka ah toosinaya, kuna hagaya dantiisa aduun iyo tiisa aakhiro. Xaruntan beder ee Diraasaadka Mustaqbalka iyo talo bixinta waxa loogu talo galay inay noqoto gole kulmiya dhamaan aqoonyahanada gobolka geeska Africa gaar ahaan aqoonyahanada Somaliland, iyo weliba biriijka isku xidha golayaasha culimada islaamka ee daafaha aduunka ku nool iyo bulshada geeska Africa ee muslimka ah, si laysu dhaafsado loona kala faa’iideysto aqoonta iyo waayo aragnimada dhamaan dhinacyada nolosha isla markaana horumar cilmiyeysan loogu horseedo bulshada ku nool gobolkan. Xarunta Beder waxay gogol dhig u tahay tayeysiinta tacliinta, toosinta dhaqanka, horumarinta bulsho ee dhinaca maskaxda iyo cilmiga, iyadoo hirgelin doonta cilmi baadhis xeel dheer oo lagu sameeyo dhamaan dhinacyada nolosha isla markaana bixin doonta tabobaro tayeysan oo taabanaya dhamaan dhinacyada nolosha ee bulshada, sida ganacsiga, maaliyadda maamulka, waxbarashada, siyaasada sharciga, diinta, saxaafadda, arimaha bulshada iyo deegaanka. Xaruntani waxa ay si dhab ah u hir-gelineysaa aragtida casriga ah ee ganacsi iyo waafajinta mabaa'di'da islaamka ee lama dhaafaanka ah, iyadoo tix gelinna siineysa qaab-dhismeedka sharci ee ganacsiga aduunka. Beder Center waxa ay aragtideedu ku salaysan tahay fahamka islaamka ee ku aadan nolosha Banii'aadamka, iyo weliba sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka uu Alaah dhigay dhulkan Banii'aadamka looga dhigay khaliifada, looguna qaybsan lahaa khayraadkaas si caddaalad ah oo aan dulmi huwaneyn. Xaruntani waa biriijkii ku gaadhsiin lahaa hay’adaha iyo jaamicadaha cilmiga ee aduunka daafihiisa ku yaala, anagoo gaar ahaan u adeegi doona ardeyda doonaysa inay helaan aqoon sare oo tayo leh, kuna xidhi doona una fududeyn doona siday u dhamaystiran lahaayeen heerarka jaamacadeed ee sare (Master & PhD). Xaruntani waa xarun talo bixineed, waxaanu si gaar ah ganacsatada ugula talin doonaa, waafajinta sharci ee ganacsiyadood, qiimeynta iyo diyaarinta mashaariic ganacsi oo faa’iido leh iwm.. waxa aanu si joogto ah u bixin doonaa tabobarro tayeysan oo la siiyo shaqaalaha, macalimiinta, agaasimayaasha sharikadaha iyo hay'adaha waxbarasho, saxaafadda, ardeyda, culimada iwm. Sh. Cabdulqani Xuseen Maxamed (Albadr). Agaasimaha Maamulka. Beder Center for future Studies & Consultancy |